Isniin, May 25, 2015 (Daljir) — Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubaland Janaraal Cabullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag ayaa maanta xadhiga ka jaray xarunta dugsiga farsamada gacanta ee Kismaayo.
Xaruntan waxaa dhistay hay’ada NRC waxaana loogu tala galay inay ka faaidaystaan arday dhan 2 boqol oo arday.Dugsigan ayaa waxyaabaha lagu baranayo waxaa kamid ah harqaan tolida,korontada,kaluumaysiga, xirfadaha cilaan saarka iyo sharaxaada dharka.Masuuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka Jubada Hoose ayaa goob joog ka ahaa munaasabada xadhig furka xarunta.
COMMENTS
Waxaan rabaa in aan wax badan ka ogaado farsamada gacanta mana haysto meel aan ka ogaado hadaba maxàa ilagudboon inaansameeeyo