Gaadiidkii ku xannibnaa Xarfo oo la siidaayey kaddib markii la xalliyey ciidamadii waddada qabsaday

Gaadiidkii ku xannibnaa Xarfo oo la siidaayey kaddib markii la xalliyey ciidamadii waddada qabsaday

Boqolaal gaari oo xamuul ah ayaa laga siiyey maanta degmada Xarfo kadib markii muddo todobaad ah ay ku xanibnaayeen halkaasi, iyagoo la taagnaa rarkii ay ka soo qaadeen dekedda Bossaso.

Ciidamo gadoodsan oo watay gaadiid dagaal ayaa jidkaasi qabsaday, kuwaasi oo joojiyey isku socodkii waddadaasi oo ah mid halbawle ah oo ay adeegsadaan gaadiidka u socda ama ka yimaada gobollada dhexe, qaybo koonfurta ah iyo dawladda deegaanka Soomaalida.

Muddadii todobaadka ahayd ay xanibnaayeen gaadiidkaasi, waddaduna go’nayd khasaare hantiyeed ayaa ka dhashay taasoo soo gaartay badeecadaha ay sideen baabuurtaasi oo qaarkood u baahnaayeen xilli hore in suuqyada tagaan iyo gaadiidka xamuulka ah oo taagnida ku laayey taayirrada.

Wasiirro, mudanayaal baarlamaanka, madax heer gobol ah, kuwo degmo, odayaal dhaqan iyo qaybo kale oo bulashada ah ayaa halkaasi u tagay siidaynta gaadiidkaasi, kuwaasi oo qaarkood muddo todobaad ku dhaw ay joogeen goobta, si xal loogu helo arrinkaasi, hase ahaatee dawladda ayaa laga filayey dadaal intaasi ka badan oo xilli hore suuragalin karay in waddadu furanto, isku socodkuna uu caadi ku soo laabto.

Inkastoo tallaabada haatan la qaaday ee siidaynta gaadiidkaasi iyo xallinta gadoodkaasi ciidan ay tahay mid hiddidiilo leh, haddana waxay ku soo beegmaysaa xilli ay hoos u dhacday rajada ganacsatada iyo gaadiidlayda adeegsata jidkaasi, sidoo kalana mugdi badani galay sumcaddii maamul ee Puntland iyo midda dekadaheeda oo deegaanno badan durugsan looga soo safar tago.

Puntland ayaa suuqa ugu weyn ee ay iibiso waxaa uu yahay midka nabadda iyo xasiloonida ka jirta deegaannadeeda, kaasoo kasba in meelo kala duwan looga yimaado adeegyada laga helo kaabayaasheeda dhaqaalaha oo dekadaha iyo garoomada diyaaraduhu ay ugu horreeyaan, waana midda haddii dhaawac soogaaro waxyeelayn karta suuqii dhaqaale ee Puntland laf-dhabarta u ahaa.

Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com