GAAGAAB OO HORMUUD U NOQDAY HAMMIGA AARANJAAN EE HAGARDAAMADA SSC

GAAGAAB OO HORMUUD U NOQDAY HAMMIGA AARANJAAN EE HAGARDAAMADA SSC

Laga soo bilaabo xilligii ay ciidan beeleedyada Puntland u soo boqooleen xiisadda ka aloosantay magaalada Laascaanood waxaa bilaabmay xiisad ay hulaaqinayeen rag u badan masuuliyiin haatan xil haya iyo kuwo xilal hore soo qabtay, hadday Puntland tahay iyo dawlada dhexe ee federaalkaba.

Raggan oo inta badan daaha dabadiisa dareenkooda mariya ayaa ku marnaa saraakiisha hoggaamiya ciidan beeleedyada qaarkood, waxayna inta badan ahaayeen kuwo khilaaf, shaki iyo cabasho ka dhexabuura ciidamada SSC iyo madaxdooda, ayaga oo huwan hammiga Aaranjaan iyo kan Villa Somalia.

Qarsoonaanta qaska ragga u shaqeeya ama la shaqeeya Villa Somalia iyo Aaranjaan waxa uu mar kaliya soo mudhbaxay bilowgii bishii Juun oo ay foodda keentay doorshadii qof-iyo-cod oo qalbigoodu u sheegay in ay quus noqonayaan haddii dadweynaha talada gacanta loo geliyo, waana tan sababtay in ciidamadii ay hayb-wadaagta ahaayeen Aarajaan ay ka huleelaan difaaca Laascaanood, dagaalkii ugu danbeeyeyna uu ahaa kii 20kii Juun ay ku qaadeen Barlamaanka Puntland.

Saddex weerar oo lala beegtay Garoowe kabacdi, kooxda Aaranjaan oo mari weyday Madaxweyne Deni waxay qayladhaan u dirsadeen saaxiibadood ku maqnaa Muqdisho iyo meelo ka durugsan si ay gacan u siiyaan saaxiibadood filanwaagu haleelay.

Ka sokow qorshaha loo dajiyey Garoowe, waxaa qorshayaasha ay wada maleegayeen Villa Somalia iyo saaxiibadood reer Garoowe ku soo biiray talooyin kale oo ay waxtar u arkayeen, kamidna ahayd shaki la kala dhexdhigo hoggaanka Puntland iyo beelaha dega gobolka Sool oo muxibo aan miisaan lahayn dhexmartay muddooyinkii xiisadaha colaadeed ka aloosmeen degaanka SSC.

30kii Juun ayay magaalada Laascaanood soo gadheen koox xildhibaano ah oo Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee dawlada Federaalka ka tirsan, kuwaas oo sheegay in ay ka qaybgelayaan xuska maalinka xornimada Soomaaliyeed. Ragga Laascaanood yimid ma ay wada ahayn kooxda Aaranjaan, waxaa se la socdey qaar daacad ah oo hamuun waddaniyadeed iyo mid toleedba xambaarsan.

Reer Laascaanood aad ayey u soodhaweeyeen oo waa markii u horraysey ee masuuliyiin intaas le’eg ay yimaadaan magaalada tan iyo burburkii dawladii dhexe, waana markii ugu horreysey ee xuska maalinta xornimada lagu qabto magaalada Laascaanood muddo 15 sano ah.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Timacadde, Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare, oo ka soojeeda gobolka Sool ayaa si hoose xubnihii Aaranjaan ka socdey in hadalka la siiyo warqad ugu xariiqay. Marka Timacadde laga yimaado Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab iyo Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa goobtii munaasibadda hadalo qiiro badan ka jeediyey, wixii ay dadku rabeena helideeda daaha uga faydey.

Dhab kama ahayn waxa ay sheegayeen, balse hanadhada quluubta qalbigooda ayay hordhac u ahayd, wixii intaas ka danbeeyeyna waxay bilaabeen shirar gooni-gooni ah oo dadka qaar iyaga ayaa u imaanayey, qaarna iyaga ayaa dalbanayey.

In kasta oo jamac iyo kelikeliba ay kulamadu u dhacayeen waxa ay dhammaantood gudbinayeen hal ujeedo oo ah in beesha iyo Madaxweyne Deni ay shaki kala dhexdhigaan. Dadaal badan oo ay hawshaas kala shakiga fulinteeda galiyeena, hadafkoodu haddana ma uu noqon mid midhodhal ah. “Deni waxa uu doonayaa in uu gobolka qabsado. Ma aha asxaan ee waxa uu idiin taageerayaa si aad u aamintaan, waana nacsnimo ee ha aaminina Deni,” waxay kamid ahaayeen weedhaha qaar ay la soo shir tageen xildhibaanada Xamar ka yimid ee Garoowe soo maray.

Dadka SSC ayaa ka midaysan hal ujeeddo, marka laga reebo kuwo fara-ku-tiris ah oo aan muuqan, ujeeddadaas oo ah in ay dhistaan maamul ay u madaxbannaanyihiin. Madaxweyne Deni in ka badan toban jeer ayuu fagaarayaasha ka sheegay in dadka reer Sool masiirkooda xor u yihiin. Saas oo ay tahay, haddana saddexda xildhibaan waxa ay aad u garaaceen meesha ay malaynayeen in shacabka SSC ay goljilic ka tahay.

Saddexda xildhibaan ee kala ah Timacadde, Gaagaab iyo Cali Xoosh oo 48 saacadood waqti gaadhaya ku sugnaa Laascaanood waxa ay galeen illaa 22 kulan oo kaladuwan, waxayna ka qaybgaleen laba munaasibadood oo midda kale ahayd ciidan boolis ah oo tababar loo xidhay. Farriimaha ay xildhibaanadu wadar ahaan u gudbinayeen ayaa waxaa ugu weynaa in Madaxweynaha Puntland uu doonayo in marka dadka reer SSC ay guulaystaan uu “Puntland jajuub ku hoosgeyn doono.”

“Ciidamada ka imaanaya Garoowe iyo gobolada kale waa kuwa hadhow idinka la idinku cabudhin doono ee taas ka feejignaada,” ayaa kamid ahaa weedhaha ay saddexda xildhibaan ka sinnaayeen, kuna celceliyeen si caro ka muuqato.

Waxaa kale oo ay saddexda xildhibaan fagaadhayaasha kulamadooda ku celcesheen, “Madaxweyne Deni ma aha nin aamin gala, oo waa nin dantiisa kahormariya wax kasta, xitaa haddii kumannaan qof ay ku dhimanayso.” Weedhahaa iyo weedho kale ayaa dhextaal u ahaa kulamada xildhibaanada ee Laascaanood, sida ay Daljir u sheegaan qaar dadkii ka qaybgalay kulamada xildhibaanada.

Waxaa kale oo xusid mudan in inta badan weedhahaas ay ka imaanayeen afka Sanatar Gaagaab oo aad moodeysay in haybta loogu riixayey. Waxaad se mooddaa in dadku hilmaameen qaybtii Gaagaab oo markaas ahaa Madaxweyne Kuxigeen Puntland uu ku lahaa in Laascaanood si dadban loogu gacangaliyo Somaliland. Gaagaab oo kulamada Laascaanood badanaa hadalada xanafta leh ay afkiisa ka soo baxayeen, waxaa takiidinta lahaa Cali Xoosh iyo Timacadde.

Saddexda Xildhibaan oo uu hoggaaminayo Sanator Timacadde ayaa weli caawa Garoowe ku sugan, kulamo aan la shaacinna isla caawa la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Mideeye Md. Asad Cisman Cabdullaahi ‘Assad Diyaano’ oo ahaa musharrixii uu Madaxweyne Deni kaga guulaystay doorashadii 8 Janaayo 2019.

Saddexda xildhibaan oo Puntland ku matala DFS ayaa la filayaa in Garoowe ay berri ka sii aadaan Qardho iyo Bossaso, xilli magaalada Xamar ay ka socdaan doodo kulul oo ku saabsan ayaaha dalka, doorkii Puntland-na uu doodda ka maqanyahay.

Diiwaanka wararka | Daljir Laascaanood & Daljir Garoowe


Wararkii hore …

HALGANKA SSC, HUJUUMKA SOMALILAND IYO HAGARDAAMADA AARANJAAN

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com