GAALKACYO: Waddadii Durdur oo Afar sano kadib dib loo furay (Sawiro)

GAALKACYO: Waddadii Durdur oo Afar sano kadib dib loo furay (Sawiro)

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku guulaystay afar sano kadib in la furo wadada durdur oo xirnayd,taas oo muhiim u ah isu socodka shacabka ee labada dhinac.

Wadadan ayaa ahayd mid horey ugu dagalameen Maamulada Puntland iyo Galmudug iyado dad badan ku dhinteen kuwa kalena ku dhawacmeen.

Maamulka Gobolka Mudug,Taliyaha qeybta booliska Gobolka Mudug G/sarre Muumin Cabdi Shire,Gudoomiyayaasha magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Senator Cabdi-qayb-diid iyo Taliyihii hore ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Cabdiweli Gorod ayaa goobjoog u ahaa furitaanka jidkaan.

Hoos kaga bogo Sawiradda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com