Gabar Soomaali ah oo Xil Wasiir looga Magacaabey Itoobiya

Gabar Soomaali ah oo Xil Wasiir looga Magacaabey Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Gabar Soomaali ah kana soo jeeda deegaannada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa uu markii ugu horeysay xil Wasiirnimo uga Magacaabey Dowladda Federaalka Itoobiya.

Wasiirka Haweenka iyo Carruurta Itoobiya ayaa loo Magacaabey Filsan Cabdullaahi Axmed oo sidii kale ah Milkiilaha Telefishinka keliya ee madaxa bannaan ee deegaanka Soomaalida oo lagu Magacaabo (Nabad TV).

Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa waxaa ay kamid tahay dhalinyarada ku dhashay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,isla markaana ugu firfircoon,waxaana Magacaabisteeda soo dhaweeyey inta badan Soomaalida dowladd eegaanka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com