Maanta waxaa Beirut lagu aasay halgamaagii weynaa ee Muslinka ee reer Lebanon Sayed Xasan Nasrallah. Sayed Xasan ayaa ururka Xisbullah ee Lebanon waxa uu ka dhigay difaacii dunida ugu horreeyey ee toos ugu babac-dhigay duulanada Israa’iil, guulana ka keena dhowr dagaal oo ay Israa’iil la galeen. Saxaafadda xorta ah waayahaan xor ma aha oo wax badan lama qori karo, laakiin waxba akhristaha Daljir kama dahsoona.
Haddaba su’aasha mudan in la isweydiiyo waa: Maxaa sababay in Sayed Xasan la dilo oo waliba gantaalo la yiri waxay u dhigmeen Nukliyeer lagu harqiyo? Jawaabtu waa reer Falastiin, laakiin saxaafadda xorta ah xor ma aha oo intaas ammuuraha Falastiin u dhaafi mayno.
Laakiin aan falaanqeyno waxa keenay in Mareykanka iyo reer Galbeed aysan u kala harin waxa dhacay, hub iyo ciidan, welina diyaar ula yihiin. Ha illaawin in Trump asbuuc kahor uu sheegay qorshaha Mareykanka ee Gaza.
Aan u soo laabano dulucda qoraalka iyo xaalka Mareykanka iyo reer Galbeed oo dhan, waxaana maanta idin la qaybsaneynaa waraysi uu bixiyey falaanqeeyaha siyaasadda reer Galbeedka Dr. Jan Oberg (Danish/Swedish), ahna Agaasimaha hay’adda Transnational Foundation for Peace & Future Research.
Waa soo koobeynaa waraysiga Dr. Oberg, waxaana diiradda saareynaa taariikhda foosha xun ee reer Galbeedka, sida gabbalkoodu u dhacayo indhaha adduunka oo shan ah, laakiin weli ay ayagu moog yihiin oo aysanba la socon in gabbalkoodii dhacay.
Falaanqeynta Dr. Oberg oo kooban waa sidan: Reer Galbeedku waa dhintay, ayagaana gacantooda isku toogtay, anna anoo nin reer Galbeed ah oo jecel reer Galbeedka waxaan noqonayaa ninka ugu horreeya ee tacsidooda dira. Inta kibirkii ka batay bay meel kasta cagta mariyeen, xasuuq bay raali ka noqdeen oo waliba kormeerayaal xasuuq noqdeen. Meel laga jecelyahay reer Galbeed maanta ma jirto. Dhan kasta oo teknoolajiyadana waa looga hormaray iyo waliba cilmi kasta oo saynis iyo caqliga macmalka ah.
Dr. Oberg waxa uu intaas ku sii daray, bal ii sheeg dal raba Mareykan iyo reer Galbeed. Dal kastaa maanta wuxuu rabaa in uu xiriir la yeesho Shiinaha iyo Ruushka. Reer Galbeedku meel uu maanta u socdo ma yaqaan, laakiin Shiinaha waxaa u qorsheysan 40ka sano ee soo socda, bal arag ururka Birikis (BRICS) iyo jidka ballaaran ee ay dhisayaan ee ‘Belt and Road’ oo ay qayb ka yihiin 140 dal. Laakiin yaan qayb ka ahayn ma taqaan, waa NATO iyo Yurubta laga tagay. Bal arag Ruushkii reer Galbeedku dagaalka ku qaaday dhaqaalihiisii maanta meesha uu marayo oo Yurub oo dhan iyo xataa Japan waa dhaafay oo waa dalka afraad ee adduunka ugu dhaqaale badan. Jarmalkii ahaa warshadda Yurub maanta waa eber oo dhaqaalihiisu hoos buu u socdaa, mar dhowna filo warshaddii gaadiidka ee Volkswagen waxaa la wareegi doona Shiinaha. Marka ma laga yaabaa in reer Galbeedku ay muraayadda isku fiirshaan intaan meel cidla ciirsila ah looga tagin.
Dr. Oberg waxa uu ku soo gabagabeynaa, Ogoow Reer Galbeed haddii ay jidkaan khariban ku sii socdaan, oo shaqadoodu noqoto dil, gumaad, dhac iyo boob, iyo annagaa adduun ugu sarreyna, ayagaa sahal madaxa iskaga tooganaya ayada oo aan cidi gacan saarin. Xoog baan leenahay, balaan nahay, waayahaas warkoodii waa dhammaaday, dhaqaalahoodiina waa eber, anna anoo ah reer Galbeed oo haddana jecel, waxaan noqonayaa qofka ugu horreeya ee u tacsiyeeya.
Mar dhow la soco falaanqeynta oo cod ah.
> Daljir Media
COMMENTS