Galmudug oo faah faahin ka bixisay degaano lagala wareegay Al-Shabaab

Galmudug oo faah faahin ka bixisay degaano lagala wareegay Al-Shabaab

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen deegaannada Shabeelow iyo Doonyaale oo ka tirsan gobolka Mudug kadib markii halkaasi ciidamadooda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamka oo cirka ka taageeraya ay dagaal kula galeen Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka socdeen degaano katirsan Gobolka Mudug, waxaana Ciidamada dowladsa iyo kuwa Galmudug ay doonayaan inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiir Amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid saacado badan qaatay ay sahashay in degaanno u dhow Magaalada Caad ay ka qabsadaan Al-Shabaab.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in duqeymaha diyaaradaha dagaalka iyo weerarada Ciidamada ay sababtay in howlgalkaas Al-Shabaab looga dilo ku dhawaad 150 Xubnood, sidoo kalena ay banneeyaan degaano horleh oo muddo ku dhawaad 15 sano ah ay ku sugnaayeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com