Ganacsade Lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Ganacsade Lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

Kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ayaa fiidnimadii xalay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan tabeelaha Sheekh Ibraahim ku dilay Ganacsade caan ka ahaa deegaanka oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdi Faniinte.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inuu Ganacsadaha u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha jirkiisa, xilli uu ku sugnaa xaafad ka tirsan tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, waxaana goobta ka baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa la tilmaamay inay qadeen goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Sheekh Cabdi oo la geeyay Xarunta CID-da, si baaris loogu sameeyo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmahan kusoo badanayey dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan rag dhallinyaro ah oo wata Bastoolado, waxaana habeen hore degmada Yaaqshiid lagu dilay Ganacsade lagu magacaabi jiray Sheekh Salaad Ciise.

Ammaanka Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, iyadoo ay horey usii jireen dilalka ay geysanayaan burcada hubeysan ee dadka dhaca u geysta, Booliska ayaa sheegay inay wadaan howlgalo ka dhan ah burcada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com