Ganacsatada Caabudwaaq oo ka hadashay qaadashada lacagta shiling somaaliga ah oo la diiday (dhegayso)

Ganacsatada Caabudwaaq oo ka hadashay qaadashada lacagta shiling somaaliga ah oo la diiday (dhegayso)

Muddo ka badan labo sano gobollada dhexe ee Soomaaliya siiba deegaannada maamulka Galmudug iyo kuwo Hirshabeelle ah kama shaqaynaynin lacagta shalinka Soomaaligu, kadib markii dabayaaqadii sannadkii 2017kii Alshabaab joojinta lacagta Soomaaliga ku amreen dadka gobolka Hiiraan, taasoo keentay lacagtaasi in ay ka istaagto gobolka Galgaduud iyo qaybo ka mid ah gobolka Mudug.

Joogsiga lacagtaasi shilinka Soomaaliga ah ayaa saamayn weyn ku yeelatay bulshada caadiga ah, ganacsata iyo dadka danyarta ah, saamayntaasi oo iskugu dhafan dhinacyo badan, gaar ahaanna xagga nolosha.

Degmada cWaaq ayaa ka mid ah meelaha saamayntaasi lacageed laga dareemayo, waxaana xaaladdu sii adkaatay kadib markii lacagihii baddelay shilinka Soomaaliga ee degmada cWaaq iyo deegaannada hoosyimaada laga istimaalayey muddadaasi labada sano ka badan laftigoodana caqabado xooggan lagala kulmay.

Cabdillaahi Jamaal Geesoliqe waa afhayeenka ganacsatada degmada cWaaq, wareysi gaar ah oo uu maanta siiyey Radio Daljir ayuu uga warramay saamaynta maqnaanta shalinka Soomaaligu ku yeeshay ganacsada iyo bulshada kale ee cWaaq iyo caqabadaha ay kala kulmaan lacaga qalaad ee deegaanka laga isticmaalo oo ah birta Itoobiya iyo dollarka Maraykanka.

Cabdifataax Cumar Geeddi oo wareystay Afahayeenka, ayaa marka hore waydiiyey joogsigii shalinka iyo sida uu u saameeyey.


Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com