Ganacsiga Soomaaliya oo ku xirmay caalamka iyo xaruunta maalgashiga oo la hir geliyey.

Muqdisho, July 07- 2013 – Rugta ganacsiga iyo warshadaha ?Soomaaliya ayaa daaha ka qaaday in ay qaaday talaabooyin muhiim u ah xiriirka ganacsiga ee dalku la yeelanayo dalalka horumaray ee caalamka, xilii sanad kadib ay si wanaagsan dalka ay uga howlgashay rugta ganacsiga iyo warshadaha.

Maamulka rugta ganacsiga iyo warshadaha ee Soomaaliya waxay sheegeen in ay ku dadaaleen sidii xiriir wanaagsan ay ula yeelan lahaayeen caalamka, rugtu waxay sheegtay in ay xiriir wanaagsan la samaysay dalal badan si ay uga qeyb noqdaan horumarka ganacsi ee dalka.

Agaasimaha guud ee rugta Ganacsiga iyo warshadaha ee Soomaaliya Cabdi Abshir dhoore wuxuu sheegay in ay abuureen hay,ad kale oo qeyb ka ah rugta,? xaruuntaas oo ka shaqaynaysa iib geynta iyo maalgashiga dalka.

? marka laga yimaado xiriirada waa weyn ee rugtu ay samaysay sidoo kale rugtu waxay abuurtay horumar dhanka ganacsiga ah? ayuu yiri agaasimaha rugta Mudane Dhoore.

Hadalkaan ka soo yeeray Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa yimid kadib markii la qabtay sanad guuradii ugu horeysay ee Asaaskii rugta ganacsiga, waxaana qeyb ka noqday xaflada Madaxda shirkado caalami ah, iyo? masuuliyiinta shirkadaha ku midoobey rugta ganacsiga iyo Warshadaha dalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com