Magaalada Garoowe waxaa toddobaadkii hore lagu soo gaba gabeeyay Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Garoowe ,oo galay sannadkii Afraad, waxaana kasoo qaybgalay wax ka badan kun qof oo u badan dhalinyarada jaamacadaha.
Bandhigga ayaa inta uu socday ,waxaa buugaagtaadoo kusoo bandhiggaya, hadalana ka jeedinaya qorayaal caan ah oo Soomaaliyeed iyo kuwa cusub.
Weriyaha Daljir ee Garoowe Axmed Sheekeeye ayaa wuxuu kula kulmay goobta bandhigaasi, Saddex hablood oo dhallinyaro ah oo qoray saddex buug markoodii ugu horeysay oo ay ku soo bandhigeen halkaasi.
Xamda Mahad Faarax waxay qortay Ubad iyo Arxan laawe ,Sacdiya Daahir Nuur waxay qortay buugeeda Bar baarinta Ubadka ,Caa’isha Siciid Cali (Mumtaas) na waxay qortay buugeeda Murugo iyo Maan Dumar .
COMMENTS