Shirweynaha odayaasha dhaqanka ee ka hortagga xasaradaha oo ay soo qaban qaabisay dalladda PUNSAA oo kaashanaysa Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyaynta dawlada Puntland ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay magaalada Garowe .
gaba-gabada shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiir kuxigeenka wasaarada arrimaha gudaha dawlada Puntland Musadaq Maxamed Musadaq , Agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdifitaax Cumar Ismaaciil ,Guddoomiyaha dalladda bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdirisaaq , Agaasimaha waaxda nabadeynta & dib-uheshiisiinta wasaraadda arrimaha gudaha Puntland Cabdulqaadir Cabdimaalik iyo Marti Sharaf kale .
COMMENTS