GAROWE: Amniga Doorshada oo laga shiray

GAROWE: Amniga Doorshada oo laga shiray

Magaalada Garoowe waxaa kulan ku yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawlad Goboleedka Puntland iyo madax ka socotay Xafiiska Caawinta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) , kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka waxaa shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Maamulka Puntland, waxaana wehliyay Wasiir xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud. Sidoo kale wafdiga UNSOM waxaa hogaaminayay Marco oo ah hogaanka ROLS-UNSOM.

Shirka ayaa lagu gorfeeyay shaqooyin horey ugu qabsoomay labada dhinac kaas oo ay iska kaashanayeen sida Hormarinta Booliiska Puntland iyo barnaamijyada hormarinta ah ee Puntland.

Waxaa sidoo kale laga hadlay dardargelinta Barnaamijka Amniga Doorashooyinka, u diyaar garowga mashruuca JPP – wajiga labaad iyo siday labada dhinac oga wada shaqayn lahayeen mashaariicda hormarinta ee Puntland.

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soonaocda ay tagaan degaannada kale ee dowlad Goboleedyada kajira dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com