Garowe: Madaxweyne Siciid Deni oo maanta furaya kal-fadhiga 49-aad ee baarlamanka Puntland

Kal-fadhiga 49-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah furmaya kadib dib u dhac kooban oo ku yimid.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furaya Kal-fadhiga Baarlamanka sida waafaqsan dowladda Dastuurka Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Kal-fadhiga ka jeediyo khudbad ku saabsan waxqabadka xukuumaddiisa ee mudadii u dhexaysay labada Kal-fadhi.

Ajandaha Kal-fadhigan oo aan weli la shaacin ayaa la filayaa in uu ku jiro xeerkii muranka dhaliyay ee lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com