Garowe oo lagu qabtay shir looga hadlayey Amniga gobolka Nugaal

Garowe oo lagu qabtay shir looga hadlayey Amniga gobolka Nugaal

Garowe: Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa guddoomiyeyay shir looga hadlayay xaaladda amni ee gobolkaas, kaas oo lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkan oo diiradda lagu saaray adkeynta amniga caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska Puntland Sareeye Guuto Maxamed Cali Xaashi,Taliyaha ciidamada Madaxtooyad, G/Sare Cabdinasir Shaati,Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Gudaha Puntland,Wasiir Ku Xigeenka Amniga,Sarakiisha Hay’adda Nabad Sugida,Duqa Degmadda Garowe Iyo Saraakiil Kale.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud oo ka hadlay madasha shirka ayaa qiray in amniga Garowe uu yahay mid hagaagsan,islamarkaana loo baaan yahay in laamaha amniga sii laba jibaaraan adkeynta xasilloonida,isagoona u mahadceliyay bulshada qayba-heeda kala duwan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com