Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo shaqooyinkii muddo saacado ah hakad galay

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo shaqooyinkii muddo saacado ah hakad galay

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa hakad galay muddo saacado ah, kadib markii si lama filaan ah uu dabka uga kacay maqaayad cunto oo ku dhextaala garoonka.

Ma jirto wax war oo dowlada ka soo baxay, balse shaqaalaha garroonka ayaa sheegay in loo diiday inay galaan intii ay socotay howsha daminta dabka ee garroonka, sidoo kallena rakaabka diyaaradaha ayaa hakad la geliyay.

Lama oga sababaha dhaliyay, balse dabkan ayaa waxaa uu gaystay khasaare hantiyeed oo soo gaaray allaabtii tiilay maqaayadda.

Ciidamada dab damiska ayaa ku guulaystay daminta dabka oo saacado qaatay, iyado hadda garoonka shaqadiisu ay caadi kusoo laabatay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com