Sidii uu Trump u sheegay in uu xoog kula wareegayo Gaza, kana barakicinayo dadka reer Falastiin, una barakacinayo Urdun iyo Masar asaga oo oggolaansho ka helay Boqor Cabdalla iyo Madaxweyne Sisi, waxa uu isla markiiba Aqalka Cad ee Mareykanka ku casumay Boqor Cabdallaha Urdun, oo hore Trump u sheegay “maadaama ay masruufaan waxay diidi karaan baa iska yar.”
Boqor Cabdallah oo dhinac fadhiya Trump wuxuu sheegay in uu “la shaqeynayo Madaxweyne Trump oo ah nin ay ka go’antahay nabadeynta Gaza, haddana uu qaadanayo 2,000 oo carruur ah.”
Hadalka uu sheegay se waxaa ka sii daran sida uu u sheegay. Markasta oo uu Boqor Cabdalla hadlo waxa uu ka bixi waayey libiqsi xad dhaaf ah oo xataa asaga oo indhaha isku haysta uu hadlayey mararka qaarkood. Warbaahinta adduunka ayaa ku fasirtay libiqsigiisa xad-dhaafka ah, “sidii nin dhafoorka xabbad looga hayo oo kale.”
Waxaa kuu soo haray Madaxweyne Sisi oo asna asbuucaan ku casuman Aqalka Cad. Weli ma uu iman, laakiin war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar waxaa lagu sheegay “in uusan Madaxweyne Sisi imaan doonin inta Trump ku hadaaqayo barakicinta reer Gaza.”
> Daljir Media
COMMENTS