Geerida Madaxweynihii dalka Iran iyo dadkii la socday oo la xaqiijiyey

Geerida Madaxweynihii dalka Iran iyo dadkii la socday oo la xaqiijiyey

Madaxweynihii dalka Iiran Ibraahim Raiisi, wasiirkiisii arrimaha dibadda Xuseen Amiir- iyo mas’uuliyiin kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen diyaarad Axaddii shalay ku burburtay waqooyi-galbeed ee dalka Iran.

Diyaaradda ayaa ahayd nooca qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaanno, waxaana ay ku dhacday dhul buuraley ah, xilli cimiladu ahayd mid aad u liidata.

Saacado badan ayuu qaatay baaritaanka ku saabsan helitaanka burburka diyaaradda, iyadoo caqabadda ugu weyn ay noqotay ceer-yaamo ka jirtay dhulka buurleyda ah ee shilku ka dhacay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com