Godadka Aleeloyar oo loogu Tagay Meydadka Argagixisada ku soo Duushay Puntland

Godadka Aleeloyar oo loogu Tagay Meydadka Argagixisada ku soo Duushay Puntland

Waxaa xawli u socda wajigii saddexaad ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada waxaana gudaha loo galay godadka Aleeloyar ee Togga Miraale kaddib markii habeen hore uu Maraykanku duqeeyay. Godadka oo ay burburiyeen sawaariikhda diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa loogu tagay maydadka argagixisada oo ku hoosjira godadkii la burburiyey.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay hubka noocyadiisa kaladuwan oo ay kamidyihiin darooniska qaraxyada, baasabooro ajnabi iyo kaararka bangiyada.

Sawiro dheeri ah booqo Daljir Telegram.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com