Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa la filayaa in Gelinka dambe ee Maanta oo Arbaco ah ay shir ka yeeshaan xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa warbixino ku saabsan xaaladda Soomaaliya waxaa looga dhaveysan doonaa Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM ee Soomaaliya James Swan iyo madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa xaaladda cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha horyaalla,howlgalka AMISOM & sidoo kale abaaraha xilligaan kajira meelo badan oo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

Safiirada dalalka Caalamka u jooga Qaramada Midoobay ayaa iyana dhankooda warbixino ka jeedin doona Shirka, kuwaas oo siweyn kaga hadli doona xaaladda Soomaaliya, sida doorashooyinka, Amniga iyo Abaaraha, iyaga oo qaarkood balan qaadyo sameyn doona.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac xoogan ka muujinayay caqabadaha hortaagan doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo Madaxda Soomaalida dhowr jeer u soo jeediyay in si deg deg ah sanad kaan gudihiisa lagu soo geba-gabeeyo doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com