Maxaad kala socotaa Warbixintii Golaha Ammaanka QM ee shaaca ka qaaday xiriirka ka dhexeeya Wasiir Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka cusub e Gaashaandhigga Soomaaliya, iyo argagixisada AS?
Ayada oo ay weli taaganyihiin eedaha iyo dhaawaca uu ciidamada qaranka u gaystay Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur (Wasiir TikTok), wasiirkii hore ee gaashaandhigga, horena uga tirsanaan jiray argagixisada AS, ayaa waxaa hadda Wasiirka Gaashaandhigga loo magacaabay Axmed Macallin Fiqi. Wasiir Fiqi, sida Wasiir TikTok, waxaa asna dul hoganaya Warbixin Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo soo baxday sannadkii 2013.
Warbixinta Golaha Ammaanku (halkan riix: https://www.securitycouncilreport.org/…/s_2013_413.pdf) waxay Wasiir Fiqi ku eedaynaysaa in uu “xiriir dhow la leeyahay argagixisada AS uuna beegsaday siyaasiyiin ay Wasiir Fiqi is hayeen (arag qodobka 10aad) asaga oo adeegsanaya AS.”
Warbixinta Golaha Ammaanka waxaa kale oo ku xusan in Wasiir Fiqi 4 Abrill 2012, uu RW Cabdiweli Cali Gaas u dhigay shirqool asaga oo adeegsanaya xubno argagaxisada AS, mar uu RW Gaas ku sugnaa Garoonka ciyaaraha ee Muqdisho.
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
COMMENTS