Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo Mudane Jaamac Yaasiin Warsame oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Jaamac Aadan Cismaan ayaa shir guddoomiyay fadhigii 15-aad ee kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Baarlamaanka Maamulka SSC-Khaatumo.
Ajendaha fadhiga maanta oo ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Maandooriyaha.
Hindise sharciyeedkan waxaa curiyay Golahana usoo gudbiyay xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo.
Hindise Sharciyeedka ayaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo anshaxa, dhaqanka, caafimaadka iyo bed -qabka Bulshada.
Maxamed koronto | Daljir laascaanood
FAALLOOYIN & FALCELIN