Golaha Shacabka oo ansixiyay Muddo kordhin uu codsaday Ra’iisul Wasaare Xamse

Golaha Shacabka oo ansixiyay Muddo kordhin uu codsaday Ra’iisul Wasaare Xamse

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta villa Hargeysa ee magaalada muqdisho, iyaga oo ku ansixiyay codsi uu u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaare Wasaare Xamse oo ahaa in muddo 10 Cisho ah loogu daro xilliga uu soo magacaabayo golihiisa Wasiirada.

Kulanka oo ay shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa waxaa soo xaadiray 145 Mudane, waxaana Xoghayaha golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Axmed Buux uu golaha Shacabka u akhriyay codsiga ka yimid Ra’iisul Wasaaraha ee ah in muddo 10 cisho ah loogu daro waqtiga uu soo Magacaabayo Golihiisa Wasiirada.

Intaasi kadib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cod gacan taag ah u qaaday codsiga uga yimid ra’iisul Wasaaraha, waxaana ogol uu codeeyay 144 Mudane hal ayaa ka aamusay mana jirin Xildhibaan diiday.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ahna kusigamaha Guddoomiyaha golaha Marwo Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa sheegtay in sidaas uu ansax ku yahay codsiga Ra’iisul Wasaaraha ee ah in muddo 10 cisho ah loogu daray waqtiga uu kusoo Magacaabayo golihiisa Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la Magacaabay 15-kii Bishii la soo dhaafay ee Junne ayaa laga sugayaa in 10 Cisho ee soo socota gudahood in uu kusoo Magacaabo Golihiisa Wasiirada, isla markaana uu horgeeyo Xildhibaannada Golaha Shacabka si ay u ansixiyaan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com