Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qaraar ka dhan ah ka Ganacsiga Hubka

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qaraar ka dhan ah ka Ganacsiga Hubka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Golaha ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee caawa ku soo saaray Qaraarka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka ee loo yaqaan (Cir-toogte), iyaga oo ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

Qaraarka ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanadda ciidanka.

Sidoo kale, Siyaasadda libka Hubka iyo Rasaasta ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxa ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka, kaddib qaadista cuna qabataynta hubka.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada ay caawa yeesheen lagu ansixiyey Heshiiska Difaaca ee ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com