Golaha Wasiirada XFS oo meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya W/ Kalluumeysiga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi

Golaha Wasiirada XFS oo meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya W/ Kalluumeysiga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmaalay iyo habraacyadii kala duwanaa ee uu soo maray xisaab xirka.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Shirkadda Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan dagaalladii horraantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboleedka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagula jioro Alshabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada, waxuuna goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaarayaan dagaalkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com