Golaha Wasiirradda oo Ansixiyay Hab-raaca hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka

Golaha Wasiirradda oo Ansixiyay Hab-raaca hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka

Golaha wasiirrada xukuumadda xil gaarsiinta dalka, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka CXD, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com