Golihi degaanka degmadda Garoowe oo la kala diray

Golihi degaanka degmadda Garoowe oo la kala diray

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 54 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad
Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com