Goodax Barre oo markale ka hadlay doorashadii Hiirshabeele

Goodax Barre oo markale ka hadlay doorashadii Hiirshabeele

Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday Hirshabeelle ay aheyd arrin ujeedkeedu ahaa in wax lagu boobo oo dowladda dhexe ay waday.

Goodax Barre ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay ka soo horjeedaan arrintaas, isla markaana aanay aheyn arrin aanay sahlaneyn, oo aanay marna ku qanci doonin.

Mr Goodax ayaa sheegay in heshiiskii horay lagu galay dhismaha Hirshabelle uu ahaa mid inqilaab ah oo lagu sameeyay qabiil dhinac ah lagu sameeyay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in arrinta doorashada Hirshabelle ay tahay arrin la doonayo in kuraas lagu boobo, gaar ahaan in lagu helo Madaxweynenimada.

“Waa xaqiiqo inay jirto dhibaato weyn oo aan sahlaneyn reer hiiraan waxay arkayaan in meesha fowdo ay tahay, dowladnimo aysan ka jirin wax lakala boobayo, horta sabab dad wax boobayo loo sii hordhaco wax ha boobina loo dhaho ma jirto”ayuu yiri Goodax Barre.

Is-maandhaafka ka dhashay doorashadii Hirshabelle ayaa sababay in magaalada Beledweyn ay ka dhacdo dibad baxyo looga soo horjeedo Maamulka cusub ee Hirshabeelle, iyadoo Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle safar uu ku tagi lahaa magaaladaas laga hor-istaagay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com