GUDDIGA ARIMAHA GUDAHA, AMNIGA IYO DIFAACA GOLAHA BAARLAMAANKA SSC-KHAATUMO AYAA KORMEER SHAQO KU TAGAY WASAARADDA AMNIGA MAAMULKA SSC-KHAATUMO.

GUDDIGA ARIMAHA GUDAHA, AMNIGA IYO DIFAACA GOLAHA BAARLAMAANKA SSC-KHAATUMO AYAA KORMEER SHAQO KU TAGAY WASAARADDA AMNIGA MAAMULKA SSC-KHAATUMO.

Guddiga Arimaha Gudaha, Amniga iyo Difaaca Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-Khaatumo.
kulanka waxay guddiga warbixin guud oo ku saab-san hawlaha shaqo ee Wasaaradda kusiiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-Khaatumo Ibraahim Jaamac Raygal.
Xubnaha Guddiga Arimaha Gudaha, Amniga iyo Difaaca Golaha Baarlamaanka ayaa Su’aalo ka weydiiyay Wasiirka Wadaaradda Amniga Maamulka SSC-Khaatumo arimaha;
1. Baaxadda dhismaha iyo shaqaalaha Wasaaradda
2. Kaalinta hawl-galka ee Wasaaradda (Operation possibility curve)
3. Xaaladda Amniga Gudaha ee degaanka Maamulka SSC-Khaatumo.
4. Xidhiidhka wadashaqaynta ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha nabadgelyada Maamulka SSC-Khaatumo.
5. Xidhiidhka wadashaqaynta kala dhaxaysa Wasaaradda Amniga heer Federaal.
6. Waxii u qabsoomay qorsho xilliyeedkii u dambeeyey iyo ku talo galkooda qorshaha dhow iyo kan dheer.
7. Caqabadaha jira iyo taladooda ku aadan sidii xal loogu heli lahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com