Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Mareykanka oo Dawladda Soomaaliya ku tilmaamay tuugo xadday raashinkii ciidamada, wax kalena aan reebayn
Kaddib maqaal dheer oo uu qoray Wargeyska Washington Post, Madaxa Guddiga Arrimaha Dibadda ee dawladda Mareykanka ayaa maanta barta X ee Guddiga soo dhigay qoraalka hoose:
“Mareykanku kama dhaqaaqin taageerada Ciidamada Danab ama dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada sida AS. Taageerada Danab waxay bilaabatay in si tartiib ah loo dhimo sanadkii 2024 kadib markii hoggaamiyayaasha Danab ay xadeen raashinkii ciidanka, halka dowladda Soomaaliya aysan waxba ka qaban oo iska indhatirtay. Cashuur bixiyeyaasha Mareykanka ma ay sii maalgelin karaan musuqmaasuq aan dhammaad lahayn (The U.S. isn’t abandoning the Danab or the fight against terror groups like al-Shabaab. Support for the Danab started to phase out in 2024 after its leaders stole rations and Somalia’s government did nothing about it. U.S. taxpayers shouldn’t keep funding corruption).”
Sidii aan kal hore soo warinay, Guddigu waxay intaas ku sii dareen in aysan maalgalin doonin ciidamada nabad-ilaalinta Afrika. “Mareykanku ma diidin taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya—waxaan kaliya oo adkaynaynaa in Yurub iyo Afrika ay qaataan masuuliyadda nabad-ilaalinta. Nidaamyada maalgelinta sida UNSCR 2719 waxay oggolaadeen in dawladaha kale iska leexiyaan kharashka, kuna leexiyaan cashuur bixiyeyaasha Mareykanka, iyagoo sidoo kale qarinaya guuldarrooyinka Qaramada Midoobay, abuurayana marmarsiinyo aan jirin (The U.S. hasn’t refused to support the AU mission in Somalia—we’re just insisting that Europe and Africa pull their weight. Funding schemes like UNSCR 2719 let others dodge the bill and dump the cost on U.S. taxpayers, while giving the UN a welcome distraction for its own failure).”
Xaalka Soomaaliya maanta ma aha mid cidna ka dahsoon. Musuqa Villa Somalia mid la qarin karo ma aha. Laakiin su’aashu waa, haddii adduunkii ku baraarugay, goboladii Soomaaliya ay ku baraarugeen, Xamar goormay baraarugaysaa, mar marka AS oo hadda Balcad maraysaa ay daafaha Xamar soo fariisato?
> Daljir Media


COMMENTS