Guddiga diyaarinta Sharciga doorashooyinka oo kulamo ka wada Baydhabo

Guddiga diyaarinta Sharciga doorashooyinka oo kulamo ka wada Baydhabo

Gudiga KMG ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo Baydhabo u jooga Howlo Shaqo ayaa Maanta kullan koodi ugu dambeyay la yeeshay Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed,waxaana inta badan looga Hadley Arrimaha sharciga Doorashooyinka dalka ,iyada oo la isku dhaafsadey fikrado la Xiriira 2021-ka Doorashooyinka dalkas sida ugu wanaagsan ay u dhici lahaayeen.

Xubnaha Gudiga ayaa waxaa ay horay ula kulmeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen), Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo xubnaha Golaha Wasiirada,iyaga oo kala hadlay arrimaah doorashada 2021 ee la filayo inay dalka ka dhacaan.

Kullanka Maanta ay la qaateen Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasare kuxigeenkii Hore Ee Dalka ,ahna Xildhibaan Ka Tirsan Gollaha Shacabka ,Xubina ka ah Guddiga Abduwahab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo Xubno kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com