Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo baaq u diray Hir-Shabeelle & Puntland

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo baaq u diray Hir-Shabeelle & Puntland

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiino ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka ay si dardar leh uga socdaan dalka, isla markaana dhawaan la dooran doono Xubno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Afhayeenka oo goobjoog ka ahaa doorashadii Maanta ee Afarta kursi ee Gobolada Waqooyi waxaa uu ka codsaday dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Puntland inay deg deg u bilaabaan doorashada ama ay dadka u cadeeyaan caqabadaha heysta.

Ugu dambeyn Axmed Safiino waxaa uu sheegay in Maamulada waqtigii loo qabtay inay doorashada ku bilaabaan uu dhamaaday, isla markaana jadwalka doorashada uu yahay mid gebo-gabo ah.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa horay u bilaabay Maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed iyo kuwa Gobolada Waqooyi, halka Jubbaland iho kuwa Beelaha Banaasiriga ay soo saareen liiska kuraasta ay doorashadooda qabanayaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com