Guddiga doorashooyinka madaxa Banaan oo Beesha Caalamka Fariin u diray

Guddiga doorashooyinka madaxa Banaan oo Beesha Caalamka Fariin u diray

Guddiga lagu mursansan yahay ee Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa kulan la qaatay Massimiliano Bertollo, Safiir ku-xigeenka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.

War kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen howlaha doorashada iyo talaabooyinka hore loo qaaday si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebtember ee ay wada gaareen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya. Safiirka ayaa isna dhankiisa boggaadiyey shaqada la qabtay iyo dadaalada ay wadaan Guddiga Doorashada, isagoona ku adkeeyay inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga ayaa safiirka u sheegay inay diyaar u yihiin hirgalinta doorasho daahfuran oo xiligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay kaalintooda qaataan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com