Kulan gudiga joogtada ah ee golaha Shacabka Somalia ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay ahmiyadda ay leedahay wadashaqeyn buuxda oo dhex marta baarlamaanada.
DHamaanka gudoomiyaasha baarlamaanada maamul-gobaleedyada ayaa goobjoog ka ahaa kulanka waxaana lagu heshiiyay in wadashaqeynta la wanaajiyo baarlamaanadana ay is dhaafsadaan khibradaha ay leeyihiin.
Ugu dambayntii Xoghayaha guud ee golaha Shacabka C/kariin Buux ayaa sheegay in uu jiri doono kulan ka dhacaya magaalada Garoowe oo ay iskugu imaanayaan baarlamaanka fedraalka iyo kan maamul-gobaleedyada hase’ahaatee waqtiga uu qabsoomayo in dib laga soo sheegi doono
COMMENTS