Guddoomiyaha Aqalka sare oo Garoowe lagu soo dhaweyeey

Guddoomiyaha Aqalka sare oo Garoowe lagu soo dhaweyeey

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Mudane Cabdi Xaashi.

Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Weftiga Guddomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka DFS ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com