Guddoomiyaha Barlamaanka Hiirshabeele oo Guddoomiyeey shir Muhiim ah

Guddoomiyaha Barlamaanka Hiirshabeele oo Guddoomiyeey shir Muhiim ah

Kulan uu maanta ku yeeshay magaalada Jowhar Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakim Luqmaan Xaaji iyadoo aysan goobjoog ka ahayn ku xigeenadiisa.

Kulanka oo ahaa kii 11aad ee Kal-fadhiga 1aad ee Baarlamanka dowlad Goboledka Hirshabeelle ayaa warbixino loogaga dhageystay Saraakiisha Hay’adaha amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheekh Isxaaq iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad Mahad Xasan Cusmaan ayaa ka maqnaa kulanka maanta iyadoo la sheegay inay safar ugu maqan yihiin magaalada Muqdisho.

Taliyaha Nabad Sugida dowlad goboleedka Hirshabeelle Gaashanle dhexe Cabdikarin Cumar Kulmiye Iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeellada Dhexe Gaashanle Aadan Yarow ayaa maanta Baarlamanka uga warbixiyey Arrimaha Amniga iyo qorshayaasha ku saabsan sugida Amniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com