Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo magacaabay guddi tala bixin ku sameeya dastuurka Puntland

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo magacaabay guddi tala bixin ku sameeya dastuurka Puntland

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo ka soo talo bixiya wax-ka bedel lagu sameynayo dastuurka Dowladda Puntland.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uu usoo gudbiyay soo jeedinta ku saabsan in dastuurka wax laga beddelo.

Guddigan uu magacaabay ayaa ka doodi doona wax-ka-beddelka dastuurka Puntland ee ay Xukuumaddu soo jeedisay, kadibna waxay warbixintooda usoo gudbindoonaan Golaha Wasiirada Puntland .

Halkaan Hoose ka akhriso guddiga loo saaray dasuurka.

Xil. Sharmarke Cali Cilmi ( Guddoomiye)
Xil. Maxamed Cabdi Faarax ( Xubin)
Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( Xubin)
Xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil (Xubin)
Xil. Maxamed Cabdi Warsame (Xubin)

Golaha wasiirrada Puntland, ayaa maalintii khamiista ahayd ee Todobaadkii la soo dhaafay meel mariyay in la kordhiyo tirada ururada siyaasada, si taas loo gaaro ayay lagama maarmaan u noqotay madaxda xilalkaka heysa puntland in isbedel ay ku sameeyaan dastuurka kumeel gaarka ah ee Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com