Guddoomiyaha Cusub ee gobalka Banaadir oo dhagax dhigay xarunta degmada shibis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaan maanta dhagax-dhigay xarunta Degmada Shibis oo dib u dhis lagu sameynayo, si loogu adeego bulshada.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud, oghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda dib u dhiska Qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa bilaabay dardar gelinya howlaha maamulkiisa, iyo u adeegida bulshada ku nool Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa ku boggaadiyay Shacabka ku nool Caasimadda si isku tashi ah ku dhisaan xarumaha dowliga ee loogu adeego Shacabka.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com