Maamulka degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa qaylo dhaan kasoo saaray xaalad caafimaad daro oo lasoo deristey bulshada ku dhaqan Boocame iyo inka badan 15 tuulo oo hoos yimaada.
Cudurada oo ay ugu daran tahay Jadeecadu ayaa waxaa u jiifa hadda ilaa 40 qof iyadoo ay jiraan 3 qof oo todobaadkan gudihiisa cudurka jadeecada u dhintay, gudoomiyaha golaha deegaanka Boocame Xayle Xasan Shire ayaa Radio Daljir uga waramay arintaasi.
Hoos kadhegayso
COMMENTS