Guddoomiyaha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal Maxamed Maxamuud Axmed (buurdibi) ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda Daljir waxaa uu kaga warbixiyay xaaladda degmada iyo colaadii u dhaxaysay beelood dhowr jeer deegaankaas ku dagaalamay .
Guddoomiyaha ayaa ugu horay waxaa uu ka hadlayaa xaaladda colaadii u dhaxaysay laba beelood oo diriri dhex martay iyo waan waanta nabadood ee la dhex dhigay halka ay marayso .
Sidoo kale Guddoomiye Buurdibi waxaa uu sheegay in xaalad adag oo abaareed ay degmada ka jirto siiba ha ugu darnaatee Biyo la’aan iyo Cuno la’aan .
Wariye Faaduma Cabdinuur Faarax oo ku sugan Daljir Garoowe ayuu uga warramay arrimahaasi oo dhan .
COMMENTS