Guddoomiyaha Gobalka Bari oo soo dhaweyeey go’aankii wareejinta Degmadda Taariikhiga ah ee Xaafuun

Guddoomiyaha Gobalka Bari oo soo dhaweyeey go’aankii wareejinta Degmadda Taariikhiga ah ee Xaafuun

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha gobalka Bari Cabdisamad Abwaan ayaa lagu shegay in Maamulka gobalka Bari uu tageerayo go’aanki Golaha wasiiradda degmadda Xaafuun u hoos keneen Gobalka Bari,halka awal laga maamuli jiray gobalka Karkaar.

Qoraalka ayaa u dhignaa Maamulka Gobolka Bari waxa uu soo dhaweenayaa Go,aanka ka soo baxay Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ee wareejinta Degmadda Taariikhiga ah ee Xaafuun.

Maamulka Gobolka waxa uu soo dhaweeynayaa Shacabka Degmada Xaafuun ku soo dhawaada Gobol weynaha Bari ee ah Gobolka Xadaarada, Gobolka Bari ayaa laga bilaabo maanta ka koobnaan doona 07 Degmo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, Iyo Golaha xuukumada Dowladda Puntland waxa ay Maamulka Gobolku uga mahadcelinayaan dadaalka Iyo shaqada adag ee ay ku bixiyeen wareejinta Degamada Xaafuun.

Diwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com