Guddoomiyaha gobalka Gedo oo kormeeray xeryo ciidan

Guddoomiyaha gobalka Gedo oo kormeeray xeryo ciidan

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed ‘Canjeex’ ayaa maanta kormeeray xero tababar ciidan oo ku taalla Doolow oo ah degmo ka tirsan gobolka Gedo.

Xeradaasi ayaa haatan tababar uga socda cutubyo ciidanka dawladda Soomaaliya ah, kuwaasi oo guddoomiyuhu guddoonsiiyey dhawr neef oo geel ah, si ay hilib ahaan ugu qashaan.

Cajeex, wuxuu ciidankaasi oo dhawaan tababarku u soo xirmayo ku boorriyey naf u huridda dalkooda iyo dadkooda, siiba marka ay timaaddo la dagaallanka Alshabaab oo deegaanno dhawr ah oo gobolkaan Gedo ah ku sugan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com