Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo furay shir weynaha Caafimaadka Caasimadda

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo furay shir weynaha Caafimaadka Caasimadda

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ana duqa magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa daahfuray shir weynaha caafimaadka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto kaas oo ay isugu yimaadaan hey’addaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada Arrimaha Caafimaadka la xariira ee ka howlgala Muqdisho.

Shir weynahaan Caafimaadka la xariira oo ay soo Agaasintay Waaxda Caafimaadka ee Dowalada hoose ee Xamar ayaa intiisa badan ah mid isla xisaabtan oo ay Hey’addaha Caafimaadka kusoo gudbiyaan adeegya ay bixiyaan tayadooda iyo sida ay bulshada ugu qidmeeyaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo shirkan furay ayaa kula dardaarmay wakiilada ka socday hey’addaha Caafimaadka iyo madaxda waaxda caafimaadka Dowalada hoose ee Xamar, in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta adeegyo caafimaad oo taya leh islamarkaana loo dhimriyo dadweynaha Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com