Guddoomiyaha Gobolka Hiraan & Xildhibaano oo Muqdisho u yimid dar dar gelinta howlgalka…

Guddoomiyaha Gobolka Hiraan & Xildhibaano oo Muqdisho u yimid dar dar gelinta howlgalka…

Waxaa magaalada muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaanada kala ah Maxamed Cabduqaadir Maxamed, Maxamed Cabdullaahi Buraalle oo katirsan Golaha Shacabka iyo Xildhibaan Guhaad Cabdulle Jimcaale oo ka mid ah Baarlamaanka Hirshabelle .

Mas’uuliyiintn ayaa Magaalada muqdisho u yimid dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee ka socda degaano badan oo kuyaalla gobolka Hiiraan iyo adkeynta amniga degaannadii lagala wareegay Ururka Al-Shabaab

Warara aan helnay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan & Xildhibaannada ay la kulmi doonaan Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ka wada halayaan sida loo dhameystiri karo howlgalka ka socda Hiiraan iyo sidii dowladda Soomaaliya u sii laba jibaari laheyd kaalinta ay ku leedahay.

Wararka kale aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxda sare ee dowladda ay Muqdisho ugu yeereen Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan sidaasna uu ku yimid, iyaga oo kala hadli doona dhacdadii dadka badan ay ka caroodeen ee mid lagu dilay midna lagu dhaawacay laba Carruur ah oo uu dhalay Sarkaal katirsan Al-Shabaab iyo in aan la beegsan karin qof Shacab ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com