Garoowe: Guddoomiyaha Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda Dr. Guuleed Saalax Bare ayaa maanta oo Jimce ah magaalada Garoowe kulan wadatashi ah kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan Golaha. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta leh ee horyaalla Golaha iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo hawlaha hortabinta u leh.
Sidoo kale, kulanka waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay xubno cusub oo dhawaan ku soo biiray Golaha, kuwaas oo uu ka mid yahay Musharaxii hore ee Madaxweynaha, Mudane Axmed Siciid Aw Nuur.


COMMENTS