Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dib u dhigay kulankii maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dib u dhigay kulankii maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dib u dhigay kulankii maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.

La-taliyaha gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Xasan Idiris oo Qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddoomiye Aadan Madoobe uu dib u dhigay kulankii maanta ee Golaha Shacabka, sababo jiro awgood

“Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shirkii maanta ee Golaha Shacabka BJFS dib u dhigey Sabab jira awgeed!” ayuu yiri Maxamed Xasan Idiris oo faah faahin intaas ka badan ka bixin sababta keentay dib u dhigista kulankii Xildhibaanada.

Ajendaha koowaad ee kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa dhaarinta Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqonaya Xildhibaan Abadiya.

Sidoo kale kulanka Golaha ayaa lagu waday in dhaariyo Dahir – Xubin Guddiga Madaxa banaan ee hirgalinta Dastuurka iyo Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Dib u dhigista kulankii lagu dhaarin lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo aadaya, iyada oo xalay Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen Hotelka Xayaat

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com