Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay Shirka Baarlamaanada Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay Shirka Baarlamaanada Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheikh Aadan Mohamed Nuur Madobe ayaa ka qeyb galay shirweynihii 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda heer qaran iyo heer gobol ee Afrika oo ka furmay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey shirweynaha ayaa sheegay saameynta isbedelka cimalada Africa iyo sidii loo soo afjari lahaa cuno yaraanta ay wajaheeyso qaarada Africa ayadoo loo maraayo dejinta shuruuc adkeeyneyso wax-soo saarka iyo saameenta cudurka Covid-19.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ahmiyad gaar ah siinaya in iskaashi balaaran laga sameeyo sidii looga hortagi laa abaaraha soo noqnoqodey waxaana uu u rajeeyey in shirka wax lataaban karo ay ka soo baxaan sidoo kale waxa uu u mahadceliyey cidkastoo ka qeyb qaadatey.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa adkeeyey in baarlamaannadda Afrika ay fuliyaan wixii ay ka balan qaadeen shacabkooda ummadda qaaradana lagu wacyi-geliyo kordhinta wax-soosaarka iyo beerashada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com