Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Ceelwaaq

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Ceelwaaq

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gudiga Hirgalinta Doorashooyiinka Heer Fedraalka Muuse Geelle Yuusuf oo uu wehlinayey Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal) iyo Xubno katirsan Maamulka degmadaas.

Ujeedka Wafdiga doorashooyinka Heer Federaal ay u tageen degmada Ceelwaaq ayaa waxaa uu yahay doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka oo todobaadka soo socda ka bilaabaneysa degmadaasi Ceelwaaq.

Wararka kale ee soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxwrynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu isna Maanta tagayo degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com