Guddoomiyaha Hirgelinta Doorashooyinka Maxamed Xasan Cirro oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Hirgelinta Doorashooyinka Maxamed Xasan Cirro oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka Soomaaliyaa Maxamed Xasan Cirro ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug

Guddoomiye Maxamed Cirro iyo wafdigiisa la socday oo qayb uu ka yahay guddoomiye ku-xigeenka guddigga xalinta khillaafaadka Maxamed Ibraahim Barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Gudddoomiyaha Guddigga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, Maxamed Dahir Guuleed iyo xubnaha kale ee Guddiga.

Ujeedka Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal ee gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy oo la filayo inay ka bilaabato Magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Gudigga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, Maxamed Dahir Guuleed ayaa oo hadlay soo dhoweyn ka dib ayaa bogaadiyay howlaha muhiimka ah ee guddiga u qabsoomay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com