Guddoomiyaha Maxkamadda sare dalka oo sheegay in la joojiyeey dhamaan dacwadaha ciqaabta

Guddoomiyaha Maxkamadda sare dalka oo sheegay in la joojiyeey dhamaan dacwadaha ciqaabta

Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in la joojiyay dhamaan dacwadaha inta aan aheyn dacwadaha Ciqaabta inta lagu guda jiroCudurka Covid-19.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha oo la ogeeysiiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & dhamaan Madaxda Hay’adaha garsoorka ayaa lagu sheegay in la joojiyay dacwadaha, si loga feejignaado faafitaanka Cudurka Coronavirus.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalku isagoo tixgelinaya bedqabka Shaqaalaha Garsoorka iyo dadweynaha tirada badan ee loo adeego, maankana ku haya in Hay’adaha Garsoorku ka mid yihiin meelaha uu xanuunku sida fudud uga faafi karo maadaama dad aad u tiro badan loogu adeego maalin kasta, Iyada oo la tixgelinayo lana taageerayo dedaalada ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshadu hogaaminayso ee lagu xakamaynayo faafida xanuunka COVID-19 waxa uu soo saaray go’aanadan:

Laga bilaabo 6.03.2021, waxa la hakiyey dhagaysiga, furashada iyo fulinta dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn illaa go’aan dambe.

Waxa la furi doonaa lana dhagaysan doonaa dacwadaha ciqaabta ah oo kaliya inta uu go’aan kale ka soo baxayo dacwadaha aan ciqaabta ahayn.

Dhammaan hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in ay guryahooda ku shaqeeyaan marka laga reebo hawl-wadeenada ay maalintaas dacwad ciqaab ahi u mudaynsan tahay, kuwa horgeynta leh iyo maamulka hay’adaha Garsoorka.

Dhammaan garmaqalada maxkamaduhu waxay noqon doonaan kuwo dadweynaha ka xiran., waxaana la joojiyey ka qaybgalka dadweynaha ee dacwadaha inta lagu jiro xaalada xanuunka Covid-19.

5 Maxkamaddaha, Xeer Ilaalinta, Qareenada, Saldhigyada Booliiska iyo Waaxda Dambi Baarista waxa la farayaa in ay xil iska saaraan in ay si taxadar leh u socodsiyaan dacwadaha ciqaabta ah iyagoo qaadaya talaabooyinka muhiimka u ah xakamaynta iyo ka hortagga faafida xanuunka Covid-19, dhawrayana bedqabka maxaabista iyo haw wadeenada.

Garsooreyaasha waxa la farayaa in ay dacwadaha ku dhagaystaan qolalka loogu talogalay dhagaysiga dacwahada oo kaliya, kana dheeraadaan in ay xafiisyadooda dacwad ku dhagaystaan.

7.Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Maxkamaddaha Rafcaanku waa in ay si joogto ah ula socdaan xaalada xabsiyada iyo maxaabiista.

8. Ciidamada Asluubta waxa la farayaa in ay joojiyaan booqashada dadweynaha ee xabsiyada maxaabiista si looga fogaado in xanuunku xabsiyada ku faafo 9. Waxa la joojiyey kulamada tooska ah iyo tababarada.

9.Wixii kulamo ah waxa loo adeegsan habka fogaan-araga.

10. Hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in si buuxda ugu hogaansamaan awaamirta iyo talaaboyinka lagu xakamaynayo faafida xanuunka ee ka soo baxa Wasaaradaha Caafimaadka ee Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale soo saartay go’aano lagu xakameynayo faafitanka cudurka Coronavirus, xilli dalka uu kusii faafayo, isla markaana dad badan ay u dhinteen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com